SANA oo soo xiganaysa ilo-wareedyo milatari ayaa sheegay in dhowr gantaal ay diyaaradaha Yuhuudu ku dhufteen garoonka milatari oo la dhaho Mazzeh.
Lama oga in khasaare ay duqayntaas ka dhalatay, bale waxaa halkaas gaaray baabuurta gurmadka deg-dega ah.
Wali kama aysan hadlin saraakiisha Yuhuuda duqayntaas ay diyaaradahoodu ka geysteen gudaha Suuriya.
Waa markii saddexaad dhawaan oo Yuhuuda ay duqaymo ka geystaan gudaha Suuriya, sida ay sheegtay dowladda Suuriya.