Donald Trump oo ku eedeeyay Obama inuu yahay ‘asaasaha ISIS’

Donald
Murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump. Sawirka: EPA.

Washington-(Puntland Mirror) Murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shalay oo Arbaco ahayd ku eedeeyay Madaxweyne Barack Obama inuu asaasay dowlada Islamiga (ISIS) taasoo ka dagaalanta Bariga Dhexe.

“Barrack Obama waa asaasaha ISIS.” Trump ayaa sidaa yiri isagoo la hadlayay taageerayaashiisa Florida.

Saddex jeer buu hadalkiisa ku celiyay isagoo dhahaya: “Waa asaasaha ISIS.” “Waa asaasaha. Isagaa asaasay ISIS.” Sidaa ayuu yiri Donald Trump.

Trump ayaa muddo dheer ku eedaynayay Obama iyo xoghayihiisii hore ee arrimaha dibada Hillary Clinton in ay Bariga Dhexe ka sameeyeen siyaasad lagu abuuray awood maran taasoo keentay kooxda ISIS.

Donald Trump ayaa ku eedeeyay Obama go’aankiisii uu ciidamada Maraykanka kaga soo saaray dalka Ciraaq, taasoo keentay in ay halkaas ka dhacdo xasilooni daro ay ka dhalatay ISIS, sida uu sheegay Trump.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo eeda Donald Trump.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*