Saddex askari oo katirsan ciidamada Puntland oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay buuraha Galgala

Gaadiid ay leeyihiin ciidamada Puntland oo maraya buuraha Galgala. [Isha Sawirka: PMPF]
Garoowe-(Puntland Mirror) Saddex askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay qarax miinada dhinaceeda lagu aaso oo ka dhacay buuraha Galgala maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ciidamada katirsan.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Balikhadar oo katirsan buuraha Galgala kadib markii gaari ay wateen ciidamada ay la qaraxday miinada dhulka lagu aaso, sida sargaal katirsan ciidamada oo magaciisa codsaday in aan la sheegin uu u sheegay bog wareedka Puntland Mirror.

Lix askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida uu sheegay sargaalku.

Maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka, idaacada Radio Andalus, oo ku hadasha afka maleeshiyada ayaa sidaas ku warantay.

Ciidamada dowladda Puntland ayaa deegaanka buuraha Galgala ee gobolka Bari kula dagaalamayay Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2010 markaas oo ay halkaas ka bilowday kacdoonkeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*