Maraakiibta Denmark ayaa ayaa caawinayay howlgalka NATO ee ilaalada ka ah burcad-badeeda Soomaalida ee biyaha Badweynta Hindiya, kuwaasoo qabtay 295 qof oo looga shakiyay burcad-badeed.
Weeraradii burcad-badeeda ee ka dhanka ahaa maraakiibta ganacsiga ayaa hoos u dhacay laga soo bilaabo 2011-kii oo ay ahaayeen 250 weerar balse sanadkan ay noqdeen wax aad u yar.
Maraakiibta Denmark ayaa la filayaa in ay u ruqaansadaan dhanka Badda Mediterranean halkaas oo doonyaha muhaajiriinta ay ka abuureen xaalad deg deg ah, sida uu qoray wargeyska Copenhagen Post.
Burcad-badeedii oo laga cabsi qabo in ay soo noqdaan
Xeebaha Soomaaliya lagama sheegin wax weerar oo weyn oo lagu qaaday maraakiibta waa-weyn tan iyo 2012-kii, taasoo ay mahadeeda leeyihiin ciidamada la dagaalanka burcad-badeeda ajnabiga ah ee jooga xeebaha Soomaaliya iyo ciidamada badda Puntland oo kaalin weyn ka geystay burcadii ka howlgali jirtay gacanka cadmeed oo ay kala dirireen dhanka beriga.
Inkastoo ilaa 2012-kii aan la diiwaangelin wax weerar ah oo ay burcad-badeeda u geysteen maraakiibta xamuulka ah, haddana waxaa jira dhowr weerar oo ay la beegsadeen doomo kalluumaysi iyadoo hadda ay madaxfurasho u haystaan 10 Iraaniyiin ah oo ay qabsadeen 2015-kii.