Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee dowlada federaalka Soomaaliya oo dib uga bilaabmatay Garoowe

Xubin kamid ah xubnaha ergooyinka soo doortay xildhibanaada. [Sawirka: Sahan Online]
Xubin kamid ah xubnaha ergooyinka soo doortay xildhibanaada. [Xuquuqda Sawirka: Sahan Online]
Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashada xubnaha aqalka hoose ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah dib uga bilaabmatay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland.

Doorashada maanta ayaa waxaa lagu dooran doonaa saddex xildhibaan, kuwaasoo kamid ah 37-da xildhibaan ee Puntland u matali doona dowladda federaalka Soomaaliya. 19 xildhibaan ayaa horey loo soo dortay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya ee heer Puntland nabadoon Khaliif Aw-Cali oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Puntland shalay oo Talaado ahayd ayaa sheegay in caqabado dhanka dhaqalaaha ay haysato guddiga, taasoo uu sheegay in ay hakad gelisay hab u socodka doorashada aqalka hoose ee Garoowe ka socda.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*