Dadad Qardho ku dilay hal qof

Dadadka ayaa ku fatahmay waddooyinka magaalada. [Isha Sawirka: Facebook]

Qardho-(Puntland Mirror) Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah ee Dayrta ayaa ugu yaraan hal qof ku dilay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Roobabka mahiigaanka ah ayaa yimid xilli ay abaar dabo dheeraatay ay ka jirto deegaanada Puntland, taasoo laga cabsi qabay in ay macluul ka dilaacdo deegaanada gobolka.

Xilli roobaadkii Gu’ga sanadkii 2020 ayaa daadad khasaare badan dhaliyay ay ku dhufteen magaalada Qardho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*