Dagaal culus oo ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladada. [Isha Sawirka: SN TV

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan maleeshiyaad deegaanka ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah ka bilaabmay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Dagaalka ayaa bilaabmay kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyada deegaanka, kaasoo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wasaaradda warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Yasoomaan ay ku dileen 20 maleeshiyo oo Al-Shabaab ah.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa 20 tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.” Ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed.

Saddex askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa dagaalka ku dhintay, sida ay dowladdu ku sheegtay war-saxaafadeedka.

Ciidamada dowladda iyo maleeshiyo deegaanka ah ayaa tan iyo bartamihii bishii September dagaal kula jiray maleeshiyada Al-Shabaab kaasoo ay ku doonayaan in maleeshiyada ay uga saaraan gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*