Ku dhawaad 90 xildhibaan oo katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo gudbisay mooshin ka dhan ah Jawaari

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cumaan Jawaari. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 90 xildhibaan oo katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cumaan Jawaari gudbisay, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka.

Cabdiweli Ibaarhim Muudey oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo waraaq ay soo saxiixeen ku dhawaad 90 xildhibaan oo mooshin ka keenay Jawaari.

Xildhibaanada ayaa Jawaari ku eedeeyay in uu ku xadgudbay dastuurka iyo shuruucda u yaala aqalka hoose ee baarlamaanka.

Warar ayaa sheegaya in mooshinka ay dabada ka riixayso madaxtooyadda Villa Soomaaliya, balse warsidaha Puntland Mirror si madax-banaan uma xaqiijin karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*