Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameeyay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda

Yaxye Cali Ibraahim. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa shaqo joojin ku sameeyay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim.

Digreeto kasoo baxday Wasiir Juxa maanta oo Sabti ah oo uu helay warsidaha Puntland Mirror ayaa shaqada looga joojiyay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isaga oo lagu eedeeyay wada-shaqayn la’aan, u hogaansami la’aanta hagida masuuliyiinta sare ee wasaaradda ee ku aadan fulinta qorshaha siyaasadda wasaaradda iyo xukuumada federaalka, cabashada shaqaalaha ee ku aadan maamul xumada, cadaalad daro iyo wada-shaqayn la’aan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa si kumeel gaar ah ugu magacaabay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Cabdullaahi Maxamuud Xasan, sida lagu sheegay digreetada kasoo baxday wasiir Juxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*