Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay dhaarinta baarlamaanka cusub

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon. [Sawirka: Archive]
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon. [Sawirka: Archive]
New York-(Puntland Mirror) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa soo dhaweeyay dhaarinta baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo la dhaariyay 27-dii bishaan December, waxaana uu si dhiiran ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadaas dhaarinta baarlamaanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa maanta oo Khamiis ah.

“Dhaarintan lagu guulaystay ee baarlamaanka waxay sumadinaysaa horumar dheeri ah oo laga gaaray xasiloonida siyaasadeed iyo ammaanka Soomaaliya,” ayuu Xoghayaha Guud ku yirii bayaanka.

Ban Ki-moon ayaa ka codsaday baarlamaanka cusub in ay hadda horey u wadaan hanaanka doorashada ee lagu dooranayo labada afhayeen ee aqalka hoose iyo kan sare iyo madaxweynaha dalka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale u jeediyay haayadaha dowliga ah in ay soo dhammeystiraan xubnaha xildhibaanada ee dhiman.

Talaadadii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu dhaariyay ku dhawaad 283 xubnood oo isugu jirey labada aqal.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*