RW Soomaaliya Sharmaake oo u jeediyay dadkii ka barakacay Gaalkacyo in ay dib ugu soo noqdaan guryahoodii

Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. [Sawirka: Reuters]
Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. [Sawirka: Reuters]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda ayna dib u dhistaan noloshoodii.

Sharmaake ayaa hadalkan sheegay shalay oo Jimce ahayd markii Puntland iyo Galmudug ay bilaabeen in ciidamadooda ay kala baxaan jiida hore ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib heshiis xabad-joojin ah oo ay garwadeen ka ahaayeen RW Sharmaake iyo saraakiil Qaramada Midoobay katirsan.

In ka badan 50 qof oo u badan ciidamada dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalka ka dhacay Gaalkacyo oo bilaabmay bilowgii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar.

Ku dhawaad 90,000 shacab ah ayaa ku barakacay colaada Gaalkacyo, sida ay sheegtay UNHCR.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*