Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo guddi u magacaabay talo-bixinta wax ka bedelka dastuurka iyadoo laga digay xaalada ka dhalan karta tilaabadaas

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusf Jibriil. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusf Jibriil ayaa magacaabay xubno katirsan baarlamaanka kuwaasoo ka talo-bixin doona wax ka bedelka dastuurka.

Guddiga ayaa ka kooban shan xubnood, sida lagu sheegay bayaanka magacaabista oo lagu daabacay bogga Facebook ee baarlamaanka maanta oo Sabti ah.

Golaha wasiiradda Puntland ayaa asbuucii la soo dhaafay u codeeyay in qodobo kamid ah dastuurka wax ka bedel lagu sameeyo, kuwaasoo ka dhigaya xisbiyada soo baxaya shan halka awal dastuurka uu qorayay saddex.

Siyaasiyiinta Puntland ayaa ka digay in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka xilligan iyadoo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni muddo xileedkiisii shanta sanno ay sii idalaanayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*