Shiikh Yuusuf Cali Caynte oo aabe u ah wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo ka bad-baaday qarax gaarigiisa loogu rakibay

Shiikh Yuusf Caynte
Shiikh Yuusuf Cali Caynte.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shiikh Yuusuf Cali Caynte oo ah guddoomiyaha guddiga culumada Soomaaliyeed horeyna u soo noqday xildhibaan dowlada federaalka ah ayaa ka badbaaday isku day dil shalay galab oo Sabti ahayd kadib markii gaarigiisa loogu rakibay qarax.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gaariga horyaalay huteelka Weheliye oo ku yaala jidka Maka- al-Mukarama ee caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

Shiikha ayaan gaariga ku jirin marka uu qaraxa dhacay taasoo keentay inuu ka badbaado isku-day khaarajin oo lagu rabay in lagu dilo, sida uu warbaahinta maxaliga ah u sheegay taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir, isagoo sheegay in aysan jirin khasaare kale oo ka dhashay qaaraxaas.

Shiikh Caynte ayaa aabe u ah Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte oo ah wasiirka qorshaynta ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse kooxda hubaysan ee al-Shabaab ayaa horey u qaaday weeraro kan lamid ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*