Ciidamada Puntland oo kusii durgaya magaalo xeebeedka Qandala

Gaari gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Puntland oo maraya buuraha Galgala ee gobolka Bari. [Sawirka: Archive]
Gaari gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Puntland oo maraya buuraha Galgala ee gobolka Bari. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Puntland ayaa ku sii durgaya duleedka magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay in khasaare badan oo nafadeed ay u geysteen maleeshiyada ISIS maalintii kowaad ee howlgalka.

Shalay oo Isniin ahayd, ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay dooxada Obolohe, taasoo kutaala duleedka Qandala.

Qiyaasta tirada dagaalyahanada ISIS ee ku sugan Qandala waa kala duwantahay, intooda badan khuburada milatarigu waxay dhigayaan in ka badan 100, laakiin kuwo kale ayaa leh waa ilaa 300.

Howlgalka milatariga ee Qandala ayaa waxaa hoos u dhigay miinooyinka dhulka, oo ay wadooyinka waa-weyn ku aaseen dagaalyahanada ISIS, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Howlgalka ISIS dib looga qabsanayo Qandala ayaa bilaabmay qiyaastii asbuuc kahor. Maleeshiyada ayaa qabsatay magaalada bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar ee sanadkan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*