Guddiga doorashada dadban ee heer Puntland oo ku dhawaaqay wakhtiga la qabanayo codaynta xubnaha aqalka hoose

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland Khaliif Aw-cali. [Sawirka: Archive]
Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee heer Puntland Khaliif Aw-cali. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga doorashada dadban ee heer Puntland ayaa maanta oo Isniin ah caasimada Puntland ee Garoowe kaga dhawaaqay wakhtiga ay bilaabmi doonto cod bixinta aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland Khaliif Aw-cali oo saxaafada maxaliga ah kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in 5-ta bisha November ay bilaabmi doonto cod bixinta.

“Bisha November 2-deeda ilaa 4-ta waxaa socon doonaa dejinta diiwangalinta iyo sawiradda ergada codka bixinaysa…. Ergay kasta waxaa la siinayaa kaar aqoonsi ah… 5-ta ilaa 6-da bisha November waxaa socon doonta codaynta aqalka hoose….. 7-da November waxaa soo bixi doona 12-ka Xildhibaan” ayuu yiri guddoomiye Khaliif Aw-cali.

Khaliif Aw-cali ayaa fariin u diray isimada iyo odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada iyo musharaxiinta xildhibaanada federaalka, isagoo ugu baaqay in ay soo gudbiyaan ergooyinka dooranaya xubnaha xildhibaanada ayna soo waafajiyaan qoondada loo asteeyay haweenka ee ergooyinka iyo musharaxiinta aqalka sare.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*