Ciidamo huwan ah oo weerar ku qaaday saldhigyada al-Shabaab ee duleedka Kismaayo

huwan
Ciidamada huwanta ah oo weerarka ku qaaday saldhigyada al-Shabaab.

Kismaayo-(Puntland Mirror) Ciidamo huwan ah oo isugu jira ciidanka maamulka Jubaland, ciidamada dowlada federaalka ee Jubooyinka iyo ciidamo Maraykan ah ayaa weerar ku qaaday saldhigyo maleeshiyada al-Shabaab ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo, sida wararka sheegayaan.

Deegaanada ay ciidamada iskaashanaya weerarka ku qaadeen ayaa waxaa kamid ah, Buulo-gaduud, Baarka iyo Wirkoy, kuwaasoo qiyaastii 50km dhanka waqooyiga kaga beegan Kismaayo.

Ciidamada isbahaysanaya ayaa waxaa caawinaya diyaarado dagaal, kuwaasoo duqayn cirka ah ku haya saldhigyada maleeshiyada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ay iska-caabin kala kulmeen maleeshiyada al-Shabaab.

Saraakiisha dowlada federaalka Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaas ujeedadiisu tahay sidii loo burburin lahaa saldhigyada kooxda al-Shabaab ee halkaas ku yaala.

Ma jirto warbixin si dhaqso ah loo helayo oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in dagaalkaas uu sababay in ay go’do buundadii deegaanka Wirkoy oo ay dadka iyo gaadiidka uga gudbi jireen wabiga kadib markii maleeshiyada al-Shabaab ay qarax miino u galiyeen ciidamada huwanta ah oo doonayay in ay ka gudbaan buundada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*