Aksri katirsan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo ku dhintay weerar ay maleeshiyo ku qaadeen garoonka

Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Hal askari oo katirsan ciidamada Puntland ee ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhintay kadib markii maleeshiyaad katirsan koonfurta Gaalkacyo ay weerar ku qaadeen garoonka subaxnimadii Talaadada, sida ilo-wareedyo dhanka ammaanka ay sheegeen.

Saraakiisha ammaanka ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in maleeshiyadu ay isku dayeen in ay meel garoonka u dhow ay ka dhisaan dhisme balse ay iska-caabin kala kulmeen ilaalada garoonka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*