Maxkamada ciidamada Puntland ee gobolka Mudug oo dil toogasho ah ku xukuntay shan xubnood oo katirsan Al-Shabaab

Xubnaha la xukumay oo maxkamada ka soo muuqda. [Xigashada Sawirka: Af Meer].
Gaalkacyo-(Puntland Mirrror) Maxkamada ciidamada Puntland ee gobolka Mudug ayaa maanta oo Khamiis ah dil toogasho ah ku xukuntay shan xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada.

Xubnaha la xukumay ayaa lagu helay in ay ku lug lahaayeen dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen saraakiishu.

Waxay qeyb ka noqonayaan shan xubnood oo kale oo maxkamada ciidamada gobolka Mudug ay ku xukuntay toogasho horaantii bishaan kuwaasoo lagu helay in ay ahaayeen kooxdii Al-Shabaab u qaabilsanayd dilalka iyo qaraxyada Mudug. Xubnahan ayaa waxay sheegteen in ay ka dambeeyeen khaarajinta tobonaan qof oo ay kamid ahaayeen saraakiil ciidan, shacab iyo masuuliyiin dowladeed oo lagu dilay Gaalkacyo tan iyo sanadkii 2008-dii.

Isbadal uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay sanadkii 2020-ka laamaha ammaanka gobolka Mudug ayaa gacan weyn ka geystay qabashada kooxdan katirsan Al-Shabaab oo muddada dheer gobolka ka howlgelaysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*