Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA ayaa xirtay ugu yaraan sagaal qof oo lala xiriirinayo qarax gaari oo ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda ee Sonna.
Ugu yaraan saddex kamid ah ilaalada UN-ka ee Soomaalida ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax gaarigooda loogu rakibay uu ku qarxay meel u dhow xarunta haayada UNDP ee muqdisho shalay oo Arbaco ahayd.
Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas maanta oo Arbaco ah, sida uu ku warantay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysa afhayeenka Al-Shabaab u qaabilsan howlgalada millatariga Cabdicasiis Abu Muscab.
Be the first to comment