Erdogan oo sheegay in uu ku rajo weynyahay in Turkiga iyo Ruushka ay xasilin doonaan dalka Suuriya

erdogan
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xuquuqda Sawirka: Anadolu News Agency]
Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga iyo Ruushka ayaa dadaal ugu jira sidii ay xabad-joojin waarta iyo xasilooni siyaasadeed uga sameyn lahaayeen gudaha dalka Suuriya, sida uu sheegay madaxweynaha dalka Turkiga shalay oo Arbaco ahayd.

Isaga oo saraakiil maxali ah kula hadlayay xarunta madaxtooyada Ankara Recep Tayyip Erdogan ayaa yiri: “Waa rajadayda ugu weyn in dadaalkan badbaadinta walaalahayo Suuriya uu guuleysan doono  ayna dhawaan dhammaan doonto.”

Xabad-joojin dalka oo dhan ah ayaa asbuucii lasoo dhafay ka dhaqangashay gudaha Suuriya, kadib heshiis ay garwadeen ka ahaayeen Turkiga, Ruushka iyo rajiimka Suuriya.

Inta ay xabad-joojintu socoto, dhinacyada dirirtu ka dhaxayso ayaa balanqaaday in ay joojinayaan weerarada hubaysan, ee cirka iyo dhulka ah, haddana aan la sameyn doonin dhul balaarsi ka dhan ah midba midka kale, kooxaha argagixisada ah kuma jiraan heshiiska xabad-joojinta.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*