Ciidamada Difaaca Kenya oo sheegay in ay gobolka Jubbada Hoose ku dileen 52 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan

Ciidamada Difaaca Kenya oo sheegay in ay gobolka Jubbada Hoose ku dileen 52 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan. [Photo: Archive]
Nairobi-(Puntland Mirror) Ciidamada Kenya ayaa sheegay in 52 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan ay ku dileen weerar ka dhacay saldhig Al-Shabaab ay ku lahayd koonfurta Soomaaliya maanta oo Jimce ah, afhayeen milatari ayaa sidaa sheegay.

Kornayl Joseph Owuoth, oo ah afhayeen u hadlay ciidamada Difaaca Kenya, ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

“Howlgal ay hoggaaminayeen sirdoonku ayaa la fuliyay kadib ishaafalatayn goobaha argagixisada Al-Shabaab. Ciidamada dhulka oo ay taageerayaan madaafiic ayaa rasaas ku furay saldhiga intaas kadib,” ayuu afhayeenku ku yiri bayaan.

“Howlgal daba socday, wararka hore ayaa muujinaya in 52 argagixiso la dilay halka kuwo kale ay dhaawac la carareen.”

Qoryo, saddex walaxaha qarxa ah iyo waxyaabaha bumbooyinka laga sameeyo ayaa howlgalka lagu soo qabtay, sida uu sheegay Kornayl Joseph Owuoth.

Tirada dhimashadu maahan mid si dhaqso ah oo madax-banaan loo xaqiijin karo.

Ciidamada Kenya ayaa bilaabay in ay ku duulaan koonfurta Soomaaliya sanadkii 2011-kii si ay ula diriraan Al-Shabaab, taasoo wali weeraro ka wada deegaanada saaran xadka sida waqooyi-bari Kenya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*