Ciidamada booliiska Turkiga oo xiray boqolaal looga shaki qabo ururka Daacish kadib howlgalo ay ka sameeyeen dalka oo dhan

Ciidamada booliiska Turkiga oo xiray boqolaal looga shaki qabo ururka Daacish kadib howlgalo ay ka sameeyeen dalka oo dhan. [Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska Turkiga ayaa xiray ku dhawaad 450 qof oo looga shaki qabo ururka ISIS sidoo kale loo yaqaan (Daacish) kadib howlgalo ay ka sameeyeen dhammaan dalka Turkiga maanta oo Axad ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka amniga ah.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in dadka la qabtay ay u badanyihiin ajaaniib.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu, ciidamo kala duwan oo booliis ah ayaa howlgalada ka sameeyay ilaa iyo 18 gobol oo ay kamidyihiin Ankara, Istanbul, Kocaeli, Bursa, Izmir, Konya, Bingol, Adana, Sanliurfa, Gaziantep, Adiyaman, Malatya, Kilis, Hatay, Corum, Antalya, Diyarbakir iyo Van. 

Ku dhawaad 60 looga shaki qabo ISIS ayaa lagu qabtay howlgal ka dhacay gudaha caasimada Ankara.

Intii ay howlgaladu socdeen, ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay dukumentiyo iyo qoryaha gacanta oo aan laysin lahayn.

Turkiga ayaa sanadadii u dambeeyay waxaa ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo dhiig badan ku daatay, kuwaasoo badankood masuuliyadooda ay sheegteen maleeshiyada ka dagaalanta gudaha Suuriya iyo Ciraaq ee Daacish.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*