Mareykanka oo sheegay in si aan dhammeystirnayn uu u sii wadi doono taageerada ciidamada Soomaaliya

Ciidamada Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa sheegay in si aan dhammeystirnayn uu u sii wadi doono taageerada ammnaaka ee uu siiyo ciidamada qaranka Soomaaliya.

Bayaan maanta oo Talaado ah ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu qiimaynayo in dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qaranka ee SNA ay qaadayaan dadaalo ay ku hagaajinayaan isla xisaabtanka ku saabsan khayraadka ka yimid deeq bxiyaha.

Bishii December sanadkii 2017, Mareykanka ayaa joojiyay taageeradii dhanka maaliyada iyo saadka oo uu siin jiray ciidamada SNA kadib eedo musuq-maasuq.

“Dib-u-soo-celinta taageerada waxay muujineysaa kalsoonideena in dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada SNA ay sii wadi doonaan hagaajinta isla xisaabtanka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*