Madaxweyne Trump oo amar ku bixiyay in intooda badan ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya ilaa Janaayo 2021

Ciidamo Mareykan ah oo ku sugan Soomaaliya. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in inta badan ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya ilaa Janaayo 15-keeda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Waaxda Difaaca Mareykanka (Pentagon).

Qoraalka ka soo baxay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in amarka dib loogu celinayo ciidamada iyo hantida laga saarayo Soomaaliya horaanta sanadka 2021 uusan muujinaynin isbadal ku yimid siyaasada Mareykanka.

Ku dhawaad 700 ciidamo ah ayaa Soomaaliya ka jooga kuwaasoo ciidamada Soomaaliya ka caawiya dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjiriinta ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Si kastaba ha noqotee, khubarada qaar ayaa ka digay in ka bixitaanka Mareykanka ay dhiiragelin karto kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gobolka Geeska Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*