Mamnuucida dal kugalka Mareykanka oo walaac ku abuuray mustaqbalka waxbarasho ee arday Soomaaliyeed

Shukri Axmed Cali,(bidix), iyo Cabdirisaaq Maxamed Bedel (midig), oo katirsan Abaarso oo laga aqbalay in ay ka qeybgalaan Wellesley College iyo Marist College ee Mareykanka. [Xuquuqda Sawirka: VOA]
Shukri Axmed Cali,(bidix), iyo Cabdirisaaq Maxamed Bedel (midig), oo katirsan Abaarso oo laga aqbalay in ay ka qeybgalaan Wellesley College iyo Marist College ee Mareykanka. [Xuquuqda Sawirka: VOA]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Shurki Axmed Cali waxay ahayd mid jidbaysan kadib markii ay bartamihii bishii December ee sanadkii tagay 2016-ka waraaqda ogolaanshaha ka heshay Wellesley College oo kuyaala gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka.

Laakiin Shukri oo 19-sanno jir ah, oo kasoo jeeda maamulka Somaliland ee waqooyiga-galbeed ee Soomaaliya, ayaa ka walwalsan in aysan ka qaybgalin Wellesley College sanadkan sababtoo ah Madaxweyne Donald Trump mamnuucidiisa kumeelgaarka ah ee dalku-galka, taasoo la iclaamiyay asbuucii lasoo dhaafay in muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo lix dal oo kale oo Muslim ah aysan imaan karin gudaha Mareykanka.

“Haddii Donald Trump uu siyaadsho 90-ka beri ee mamnuucida ah, Anigu suurtagal iima noqonayso in aan tago Mareykanka, sababtoo ah Soomaaliya waxay qayb ka tahay todobada dal oo uu mamnuucay,” ayay Shurki u sheegtay warbaahinta.

Shukri waa ardayad katirsan iskuulka Sayniska iyo Tiknoolajiyada ee Abaarso, oo ah dugsi sare oo kuyaala duleedka caasimada maamulka Somaliland ee Hargeysa, kaasoo arday badan u diray jaamacadaha kuyaala gudaha Mareykanka, sida Harvard iyo jaamacadaha Yale.

Ilaa iyo hadda, joojinta dalku-galka ayaa niyad-jab ku keenay mustaqbalka waxbarasho ee Shukri iyo tobonaan kale oo kamid ah ardayda ay wax isla-bartaan ee katirsan iskuulka Abaarso.

Mamnuucida dalku-galka ayaa dhaliyay walaac ku saabsan cida loo ogolyahay gudaha Mareykanka iyo cida aan loo ogolayn. Aqalka Cad ayaa sheegay in laga yaabo in la kordhiyo wakhtiga mamnuucida amaba laga yaabo in dalalkaas la geliyo liiska-madow. Jimcadii lasoo dhaafay, garsoore federaal ah ayaa soo saaray in si kumeel-gaar ah loo joojiyay mamnuucida, balse Trump ayaa wacad ku maray in go’aanka garsooraha uu badalayo.

Maamulka Trump ayaa sheegay in mamnuucida ay macnaheedu tahay sidii Mareykanka looga difaaci lahaa argagixisada ajaaniibta ah ee ka imaanaysa dalalkaas, balse dadka kasoo horjeeda go’aankaas ayaa sheegaya in lagu bartilmaameedsaday dalalkaas Muslimka ah.

In ka badan 17,000 arday jaamacadeed ah oo ka yimid todobada dal ee la mamnuucay ayaa sanadkii u dambeeyay ka qaybgalay iskuulada kuyaaala gudaha Mareykanka, sida uu sheegay machadka caalamiga ah ee waxbarashada.

Maamulaha iskuula Abaarso James Linville ayaa warbaahinta u sheegay in sideed arday, oo ay kamidtahay Shukri, la aqbalay in ay ka qaybgalaan kuleejyo iyo jaamacado kuyaala gudaha Mareykanka, oo ay kamiyihiin Marist College iyo Colombia University, kuwaasoo labaduba kuyaala magaalada New York.

James Linville ayaa sheegay in ku dhawaad 40 kamid ahaa ardayda Abaarso ay hadda dhigtaan iskuulada sii diyaarinta jaamacadaha iyo jaamacado kuyaala Mareykanka.

James Linville ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihiin tobonaan kamid ah ardayda Abaarso kuwaasoo codsaday in ay ka qaybgalaan kuleejyo kuyaala gudaha Mareykanka, balse wali aan wax jawaab ah ku soo celin.

Abaarso ayaa dhaqaale ka badan hal milyan ka heshay dowladda Mareykanka, sida uu sheegay maamule James Linville.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*