Dowladda Hoose Garoowe oo kaashanaysa shirkada korontada NECSOM oo bilowday mashruuc layrar loogu xirayo waddooyinka

Layrar xirida oo laga bilaabmay wadada NECSOM ee dhawaan laamiga la saaray. [Xigashada Sawirka: NECSOM]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Hoose ee degmada Garoowe oo kaashanaysa shirkada korontada ee gaarka loo leeyahay ee NECSOM ayaa bilowday mashruuc layrar loogu xirayo waddooyinka magaalada.

Masuuliyiinta maamulka dowladda hoose ayaa sheegay in mashruucaan layrar ku xirida waddooyinka uu qeyb weyn ka qaadan doono ammaanka iyo yaraynta isku dhaca baabuurta xilliyada habbeenkii.

Mashruuca oo xalay bilaabmay ayaa qorshuhu yahay in ku dhawaad 300 xabo oo layrar ah loogu xiro waddooyinka caasimada Puntland.

Waxaa mashruucaan hal-abuurkiisa iyo fulintiisa qeyb weyn ku leh guddiga horumarinta magaalada Garoowe, oo ah guddi ka kooban khuburo kala duwan kuwaasoo la shaqeeya dowladda hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*