Mareykanka oo sheegay magaca askarigii lagu dilay gudaha Soomaaliya

Askariga la dilay Kyle Milliken . [Sawirka: Twitter]
Washington-(Puntland Mirror) Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa aqoonsatay askari Mareykan ah kaasoo lagu dilay gudaha Soomaaliya asbuucii lasoo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay Waaxda Difaaca ayaa lagu sheegay in Kyle Milliken oo 38-sanno jir ah lagu dilay intii lagu guda jiray howlgal ka dhan maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay meel baadiye ah oo 45 km dhanka galbeedka uga beegan magaalada Muqdisho.

Waa askarigii ugu horeeyay oo Mareykan ah oo ku dhinta dagaal gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993, markii ciidamo Mareykan ah ay la dagaalamneen maleeshiyo maxali ah oo uu hoggaaminayay Janaraal Maxamed Faarax Caydiid, ugu yaraan 18 askari oo Mareykan ah ayaa lagu dilay dagaakaas.

Bishii laga soo gudbay, tobonaan katirsan askarta Mareykanka ayaa yimid gudaha Soomaaliya si ay tababar iyo qalabayn ugu sameeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gudaha Soomaaliya kula dagaalamaya ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*