Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno katirsan mucaaradka ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelan doona magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku dhow madaxtooyadda.
Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka gaar ahaan wadamada Maraykanka iyo UK ayaa ka dhici doona xarunta Xalane, waxaana ka qeybgalaya madaxweyne Xasan iyo xubno mucaaradka kamid ah oo ay kamidyihiin madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo siyaasi Cabdiraxmaan Caynte.
Kulanka ayaa looga wadahadli doonaa doorashada dalka iyadoo muddo xileedkii xukuumada Xasan Shiikh ay ka hartay muddo labo beri ah.
Xasan Shiikh ayaa doonaya doorasho toos ah, halka mucaaradku doonayaan doorasho dadban, iyagoo ku eedeeyay doorashada Xasan Shiikh uu wado mid aan loo marin hanaan sax ah.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo isagu aad uga soo horjeeda Xasan Shiikh ayaa doonaya inuu markale u tartamo madaxweynaha Soomaaliya kadib markii uu ku guuldaraystay 2022-kii markaas oo uu aad uga soo horjeeday madaxweynihii xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulan ay horaantii sanadkan Muqdisho ku yeesheen mucaaradka iyo dowladda ayaan wax horumar ah laga gaarin. Kulanka maanta ayaa la filayaa in isku soo dhawaansho laga gaaro, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka ag dhow.
