Wadahadalada u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah oo dib u bilaabmay

Madaxda Puntland, Galmudug iyo Hirshabelle. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wadahadalada u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah ayaa dib uga bilaabmay Muqdisho maanta oo Arbaco ah kadib dhowr beri oo hakad ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah.

Ma jirto wax horumar ah oo laga sameeyay arrimaha muranku ka taaganyahay intii ay socdeen kulamadii maalmihihii dhaweyd ee la soo dhaafay.

Dooda adag ayaa ka taagan hanaanka loo marayo hehiiskii 17 September ay dhinacyadu ku gaareen Muqdisho. Puntland iyo Jubbaland oo isku dhinac ah ayaa ku eedaynaya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu doonayo qabashada doorasho xor iyo xalaal aan ahayn si markale uu kursiga ugu soo noqdo.

War-saxaafadeed soo baxay xalay, Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay ku boorriyeen in wada hadalada socda oo ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 September.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*