BEEN ABUUR: Sawirada lagu sheegay in ay yihiin ciidamo lagu tababaray degmada Jariiban ee gobolka Mudug ma ahan halkaas

Puntland Mirror
0 Min Read

Qoraalkan oo loo soo dhigay bogga Facebook ayaa wata hal sawir oo muujinaya ciidamo gashan dharka tababarka oo meel balbalo ah hoos fadhiya. Qoraalka oo sawirkiisa lagu badiyay color cadaan ah ayaa ah mid been ah.

“Waxaan bogaa dinaya (500) ee Askari ee Tobar-ka Looga furay Degmada Jarriiban,ee Gobolka Mudug. Ciidan-kan ayaa noqon doona kuwa kashaqeeya arrimaha Amniga Gobolka Mudug iyo meeshi kale oo looga baahdo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sheegashadan ayaa lagu faafiyay in ay tahay ciidamo cusub oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay deegaankaas ka qoratay.

Si loo xaqiijiyo xaqiiqada sawiradan, bog wareedka Puntland Mirror ayaa Google-ka ku sameeyay sawir baaris, wuxuuna odaagay in sawirka uusan ahayn mid deegaankaas Jariiban ah, balse uu yahay tababar asbuucaan ciidamada Daban ee Soomaaliya looga furay dugsiga tababarka Bali-doogle sida halkaan ka muuqata iyo halkan.

Intaas waxaa dheer, baarista aan ka samaymay Google-ka kama soo bixin natiijooyin waafaqsan sheegashada kor ku xusan.

Bog wareedka Puntland Mirror oo baaris ku sameeyay qoraalka wata sawirada oo lagu sheegay ciidamo cusub oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qoratay deegaanka Jariiban ee gobolka Mudug.

Xaqiiqa hubintan waxaa soo saaray bog wareedka Puntland Mirror, oo kamid ah African Fact-Checking Alliance (AFCA). Sidoo kalena haysta shahaadada xog hubinta (fact-checking) oo ay siisay Meta iyadoo u soo marisay mashruuca African Fact-Checking Incubator programme oo ay fulisay Code for Africa 2024.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *