Deni ma wuxuu ka tanaasulay isku daygii Dastuurka bedelka si uu mar saddexaad u tartamo?

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuusan u tartami doonin xilka madaxweynaha Puntland mar saddexaad sannadka 2029-ka.

Deni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xalay magaalada Gaalkacyo kula yeeshay dhallinyaro, isagoo intaas ku daray in xisbiga Kaah uu soo magacaabi doono musharrax u tartama xilka madaxweynaha.

Siciid Deni ayaa ku jira sanadakiisii saddexaad ee xilli doorashadiisa labaad ee madaxweynaha Puntland.

Mucaaradka Puntland ayaa ku eedaynayay inuu doonayo inuu wax ka bedelo qodobka 79-aad ee dastuurka kaasoo labo jeer ku xadidaya tartanka madaxtinimada Puntland.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda iyo siyaasiyiinta Puntland ayaa su’aal geliyay in Deni uu qirayo in Dastuurku ka mamnuucayo inuu mar saddexaad tartamo, mise uu arrinta u soo bandhigayo inay tahay go’aan isaga u gaar ah. Waxay sheegeen in hadalkiisu dhalin karo su’aalo ku saabsan in uu arrinta u arko mid Dastuurku xaddidayo iyo in kale, ama mid ku xiran go’aankiisa iyo tixgelintiisa.

Puntland oo la asaasay 1998 maalmo kahorna u dabaaldegtay sanadguurada 28-aad ayaan weli ka hirgelin nidaamka xisbiyada badan, walow 2023 lagu galay doorashada dowladda hoose haddana ma ahan nidaam si rasmi ah uga hirgalay gobolka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *