Dagaalka Iran oo sii xumeeyay xaaladda carruurta nafaqo-darradu hayso ee Soomaaliya

Puntland Mirror
0 Min Read

Boosaaso-(Puntland Mirror) Dagaalka ka socda Iran ayaa si toos ah u saameeyay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan carruurta la ildaran nafaqo-darrada.

Warbixin ay daabacday Reuters ayaa sheegaysa in hakad ku yimid sahayda caalamiga ah iyo kororka qiimaha shidaalka ay dib u dhigeen cunnooyinka nafaqada leh iyo adeegyada caafimaad ee muhiimka ah.

Xarumaha daaweynta qaarkood ayaa la sheegay inay yareeyeen qaadashada carruurta, sababo la xiriira sahay yari iyo dhaqaale xumo.

Soomaaliya oo horey ula tacaalaysay abaaro, colaado iyo hoos u dhac ku yimid gargaarka ayaa hadda wajahaysa culays dheeraad ah, iyadoo malaayiin carruur ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro daran.

Dagaalkan cusub ayaa sii kordhiyay baahida gargaar degdeg ah oo caalami ah si loo badbaadiyo carruurta nugul.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *