Baarlamaanka Puntland oo dowladda ugu baaqay in aysan ka qeybgalin shirka Muqdisho

Baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa dowladda ugu baaqay in aysan ka qeybgalin shirka Muqdisho oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubna ka ah Federaalka.

Kadib kulan uu ku yeeshay Garoowe maanta oo Isniin ah, golaha baarlamaanka Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 13 qodob oo ku saabsan qodobo sharci ah oo muran ka dhex-dhaliyay golayaasha wakiilada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kii ugu dambeeyay uu ahaa meel-marinta kuraas gobolka Banaadir laga siiyay aqalka sare.

“Goluhu wuxuu u soo jeedinayaa golayaasha Dowladda Puntland in aanay qayb ka noqon shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 5-6 bisha July 2020, inta laga saxayo xadgudubka sharci e haayadaha Dowladda Federaalka ay galeen.” Sidaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya 25-kii bishan June ayaa Madaxweyne Farmaajo uu ku casumay madaxweynayaasha maamul goboleedyada in ay ka soo qeybgalaan shir ka dhici doona Muqdisho bilowga bisha soo socota.

Ajandaha shirka ayaa noqon doona sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, ayaa lagu sheegay bayaanka.

Madaxtooyada Puntland weli kama aysan hadlin baaqa maanta ka soo baxay golaha baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*