Xildhibaan katirsan baarlamaanka Puntland oo ku dhintay shil gaari

Marxuum Maxamed Faarax Mire. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maxamed Faarax Mire oo ahaa xildhibaan katirsan baarlamaanka Puntland ayaa ku dhintay shil gaari oo dhacay gelinkii dambe ee Arbacada, sida ay sheegeen ciidamada nabadgelyada waddooyinka.

Xildhibaanka iyo nin kale oo la socday ayaa geeriyooday kadib markii gaari ay wateen ay isku dhaceen gaari weyn oo xamuul ah meel u dhaxaysa Garoowe iyo Boosaaso.

Maxamed Faarax Mire oo ahaa nin dhalinyaro ah, ayaa kamid ahaa xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ee laga soo doortay gobolka Bari.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid xildhibaanka, sida lagu sheegay waraaq tacsiyeed kasoo baxday madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*