Portugal oo koobkoodii ugu horeeyay ee qaramada qaarada Yurub ku guulaystay

Porugal2-638x410
Portugal oo qaaday markeedii kowaad koobka qaramada Yurub.

Xulka kubada cagta dalka Portugal ayaa markoodii ugu horeysay ku guulaystay koobka qaramada qaarada Yurub ee sanadka 2016-ka.

Gool uu dhaliyay Eder intii lagu guda jiray soddonka daqiiqo oo dheeriga ah ayaa Portugal u ogolaaday in ay 1 : 0 ku garaacaan xulka koobka martigeliyay ee France.

Intii ay socotay 60 daqiiqo hore ee ciyaarta ayaan wax gool ah la iska dhalin iyadoo xulka France ay fursadao badan khasaariyeen.

Ciyaarta oo 25 daqiiqo socota ayaa waxaa dhaawac jilibka kasoo gaaray laacibka Portugal Christiano Ronaldo kadib markii uu ku dhacay laacibka reer France ee Payet.

ronaldo
Dhaawac soo gaaray Ronaldo.

Ronaldo ayaa garoonka laga saaray isaga oo ay ilmada ku qubanayso wuxuuna aad uga xumaa dhaawaca soo gaaray ciyaarta bilowgeeda balse ilmadaasi ugu dambayn waxay isku badashay farxad iyo damaashaad.

1
Ronaldo oo u dabaaldagaya koobka qaramada Yurub oo uu qarankiisu qaaday.

Ugu dambayna dalka Portugal ayaa koobkoodii ugu horeeyay ee qaramada qarada Yurub xalay hantiyay, Portugal oo koobka qaramada Yurub martigelisay sanadkii 2004 ayaa waxaa ciyaartii fiinaalka ahayd kaga guulaystay dalka Greece.

port
Portugal oo u dabaaldagaysa koobkoodii ugu horeeyay ee qaramada qaarada Yurub oo ay hantiyeen.
About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*