Labo madfac oo ku dhacay meel u dhow goobta doorashada ee Muqdisho iyadoo ay soo aadantahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya

 Labo madfac oo ku dhacay meel u dhow goobta doorashada ee Muqdisho iyadoo ay soo aadantahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]

Labo madfac oo ku dhacay meel u dhow goobta doorashada ee Muqdisho iyadoo ay soo aadantahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Saraakiisha ciidamada booliiska ee jooga gudaha Muqdisho ayaa sheegay in labo madfac ay ku dhaceen meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho oo ku dhow goobta lagu qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Saraakiisha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaafiicdaas aysan geysan wax khasaare ah.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada madaafiicdaas, balse saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in ay tahay shaqada Al-Shabaab kuwaasoo horey kuwo lamid ah u geystay.

Dhammaan waddooyinka waa-weyn ee Muqdisho ayaa la xiray, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka.

Doorashada madaxweynaha ayaa beri oo Arbaco ah ka dhacaysa xarunta Afisyoone ee ciidamada cirka Soomaaliya oo kutaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ku loolami doona ku dhawaad 22 musharax.

About Mohammed Omer Ahmed Mulla 20 Articles
Independent Researcher. Director and Chief Editor at Puntland Mirror. Focuses extensively on Security and Human Right Trends in Somalia, and the broader Horn of Africa Region.You can reach him on: Update.fkulan@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*