Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Antoine Sivan oo ah danjiraha cusub ee dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya.

Ka guddoomida kadib, Madaxweyne Farmaajo iyo danjire Antoine Sivan ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku yeeshay kulan.

Kulanka, ayaa looga wadahadlay xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay haysato taageerada Shacabka, sidaas darteedna looga baahanyahay wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya in ay dowladda kala shaqeeyaan qorshayaasha horyaala oo ay kamidtahay xal u helista daymaha lagu leeyahay dalka iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

Danjire Antoine Sivan ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Madaxwaynaha Faransiiska Immanu-wel Mak-roon ( Emmanuel Macron ) oo ka tarjumaysa sida ay u garab taaganyihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*