“Shanta nin ayaa si fagaare ah loo toogtay saakay kadib markii ay qirteen basaasnimo maxkamada kahor,” sidaa waxaa yiri Maxamed Abu Cabdalla, oo ah guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolada Jubbooyinka.
“Cawaale Axmed Maxamed, oo 32 jir ah ayaa jaajuus u ahaa MI6 waxaana uu ka yimid Britain si uu u abuuro Dowlad Islaami ah,” guddoomiyaha ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.
Saddex kamid ah nimanka la toogtay ayaa jaajuus u ahaa Mareykanka waxayna gacan ka geysteen hagida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka si ay duqeymo uga fuliyaan gudaha Soomaaliya, halka ninka afraad uu jaajuus u ahaa dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha katirsan Al-Shabaab.