Afhayeenka AMISOM oo sheegay in ciidamada ay ka bixi doonaan garoonka kubada cagta Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddiga Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa sheegay in baahi aad u daran ay u qabaan garoonka kubada cagta Muqdisho kaasoo hadda ay ku suganyihiin ciidamada Midowga Afrika kuwaasoo qayb ka ah howlgalka nabadaynta Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika Joe Kibet oo la hadlay wakaalada wararka dowlada Soomaaliya (SONNA) Sabtidii ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika kuwaas oo hadda garoonka ku sugan in ay dhawaan si dhaqso ah uga bixi doonaan.

“Waxaan jeclahay in aan kuu sheego in ciidamada Midowga Afrika ay dhawaan si dhaqso ah ay uga bixi doonaan garoonka, ayna degi doonaan meel kale, laakiin kuuma sheegi karo wakhtiga saxda ah,” ayuu yiri afhayeen Joe Kibet.

Garoonka kubada cagta ee Muqdisho waxaa dhisay dowlada Shiinaha wuxuuna isugu jiraa garoon qaybo badan, sida, qaybta dabaasha, qaybta kubada kolayga iyo qaybaha kale ee ciyaaraha.

 

(Warbixintan waxaa qortay wakaalada wararka dowlada Soomaaliya, SONNA, waxaa turjumay warsidaha Puntland Mirror)

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*