Afduubashada ayaa shalay oo Khamiis ahayd ka dhacday gudaha tuulada Xujun oo kutaala duleedka magaalada Beledweyne, oo ah xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo markaas shaqaalaha gargaarka ay u socdeen Beledweyne.
Maxamed Axmed Food-cade oo ah guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu u xaqiijiyay afduubkaas.
Foodcade ayaa sheegay in niman qoryo ku hubaysan ay ku lug lahaayeen afduubashada kuwaasoo ka tirsan ururka hubaysan ee Al-Shabaab.
“Waxaanu cadaynaynaa in saddex kamid ah shaqaalaha haayada Save The Children iyo darawalkoodii ay afduubteen dablay katirsan Al-Shabaab galabnimadii Khamiista ayna la aadeen degmada Halgan,” ayuu Anadolu u sheegay Food-cade.
“Mid kamid ah shaqaalaha ayaa baxsaday; odayaasha dhaqanka ee gobolka ayaa hadda ka shaqaynaya sii daynta shaqaalaha ku jira gacanta Al-Shabaab.” Ayuu ku daray.
Saraakiil katirsan haayada Save The Children ayaa sidoo kale xaqiijiyay afduubka shaqaalahooda.