Afar katirsan shaqaalaha haayada Save the Children oo maleeshiyaad looga shaki qabo Al-Shabaab ay ku afduubteen gobolka Hiiraan

Afar katirsan shaqaalaha haayada Save the Children oo maleeshiyaada looga shaqi qabo Al-Shabaab ay ku afduubteen gobolka Hiiraan. [Sawirka: Archive]
Beledweyne-(Puntland Mirror) Afar xubnood oo katirsan shaqaalaha haayada Save The Children, oo ay kamidyihiin saddex Soomaali ah oo shaqaalaha gargaarka ah ayaa lagu afduubtay gudaha gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, waxaana looga shaki qabaa maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu sheegay sargaal katirsan dowladda maanta oo Jimce ah.

Afduubashada ayaa shalay oo Khamiis ahayd ka dhacday gudaha tuulada Xujun oo kutaala duleedka magaalada Beledweyne, oo ah xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo markaas shaqaalaha gargaarka ay u socdeen Beledweyne.

Maxamed Axmed Food-cade oo ah guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu u xaqiijiyay afduubkaas.

Foodcade ayaa sheegay in niman qoryo ku hubaysan ay ku lug lahaayeen afduubashada kuwaasoo ka tirsan ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

“Waxaanu cadaynaynaa in saddex kamid ah shaqaalaha haayada Save The Children iyo darawalkoodii ay afduubteen dablay katirsan Al-Shabaab galabnimadii Khamiista ayna la aadeen degmada Halgan,” ayuu Anadolu u sheegay Food-cade.

“Mid kamid ah shaqaalaha ayaa baxsaday; odayaasha dhaqanka ee gobolka ayaa hadda ka shaqaynaya sii daynta shaqaalaha ku jira gacanta Al-Shabaab.” Ayuu ku daray.

Saraakiil katirsan haayada Save The Children ayaa sidoo kale xaqiijiyay afduubka shaqaalahooda.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*