Waa kuma taliyaha cusub ee ciidamada Darawiishta Puntland?

Janaraal Yaasiin Cumar Dheere. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa u magacaabay Janaraal Yaasiin Cumar Dheere taliyaha cusub ee ciidamada Daraawiishta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada maanta oo Sabti ah.

Taariikh kooban

Janaraal Yaasiin Cumar Dheere waxa uu waxbarasho jaamacadeed u aaday Midowgii Sofiyeetka isaga oo halkaas ku soo qaatay shahaadada matser-ka ee culuumta siyasadda, sida uu muujinayo taarikh nololeedkiisa.

Markii uu dalka ku soo noqday waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadii madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

Waxa uu soo noqday madaxa kulliyada siyaasadda ee Jaale Siyaad. Sidoo kale waxa uu noqday madaxa waaxda siyaasadda qaybta 26-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Waxa uu taliye guuto ka ahaa gaaska 9-aad ee Laascaano iyo qaybta 54-aad ee Garoowe.

Yaasiin Cumar Dheere waxa uu noqday abaanduulaha ciidamadii SSDF ee maamulkii Soodare.

Markii la asaasay dowladda Puntland 1998, waxa uu kamid noqday guddi saraakiil ah oo loo xil saaray dhismaha ciidanka booliiska iyo Daraawiishta Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*