Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha waaxda tayeynta tayo dhowrka, manaahijta, iyo kormeerka khalad ku qoran buug kamid ah manhajka awgiis

Irida hore ee xarunta wasaaradda waxbarashada Garoowe. [Sawir Hore]


Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Cabdirixmaan Yuusuf Dujaana ayaa shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha waaxda tayeynta tayo dhowrka, manaahijta, iyo kormeerka Cabdulaqaadir Yuusuf Nuux.

Shaqo-joojinta ayaa timid kadib markii buuga taariikhda fasalka 4-aad ee dugsiga sare oo lagu daabacay khariidada Puntland oo khaldan, lagu baahiyay baaraha bulshada, taasoo keentay in dadku ay ku dhalleeceeyaan wasaaradda sida ay uga gaabisay ogaan la’aanteeda manhajka loo dhigayo ardayda reer Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*