Madaxweynaha Puntland oo taliyaha ciidanka booliiska dib ugu fasaxay shaqadiisa

Sawirka: taliyaha ciidanka booliiska dowladda Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire (Ereg).

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa taliyaha ciidanka booliiska u fasaxay in uu shaqadiisa dib ugu noqdo kadib shaqo joojin lagu sameeyay bishii lasoo dhaafay, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

“Waxaa dhammaan haayadda ay warqadani tooska iyo ogeysiinta ugu socoto lagu wargelinayaa in shaqadii loo fasaxay taliyaha ciidanka booliiska dowladda Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire (Ereg) maanta oo taariikhdu tahay October 7, 2017.” Ayaa lagu yiri digreetada.

Ereg ayaa waxaa shaqada ka joojiyay bishii lasoo dhaafay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay kadib khilaaf soo kala dhexgalay labadooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*