30 sanno kadib shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo qayb ka noqonaya shidaal baarista Soomaaliya

Wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo heshiis la saxiixanaya sarkaal ka socda Shell and Exxon Mobil. [Isha Sawirka: Twiiter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda batroolka iyo macadanta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shidaal la saxiixatay shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil 30 sanno kadib, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda batroolka iyo macadanta dowladda federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa wakaalada wararka dowladda Soomaaliya u sheegay in hehiis shidaal baaris ah ay la saxiixdeen shirkadahaas.

“Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa  jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf.” Sidaa ayuu u sheegay wakaalada Sonna.

Waxa uu sheegay inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas iyaga oo raacaya habraaca ku xusan sharciga shidaalka ee dalka.

Hilaal ayaa intaas ku daray in shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka qaybgalaan geedi socodka lagu bixin doono qandaraasyada shidaal baarista Soomaaliya.

Shirkadahaan ayaa xukuumadii madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ay la gashay heshiis si ay uga baaraan una soo saaraan shidaal qaybo kamid ah gobolada Soomaaliya, balse waxay dalka isaga baxeen markii uu burburku dhacay sanadkii 1991.

Wixii ka dambeeyay 1991, waxaa jiray shirkado badan oo heshiisyo shidaal baaris la galay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada sida Puntland iyo Somaliland.

Bishii lasoo dhaafay, baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyay sharciga shidaalka Soomaaliya, balse waxaa ka soo horjeestay dowlad goboleedyada oo ay kamidtahay Puntland oo loo maleynayo in ay ku jirto meelaha shidaalka qaniga ku ah gudaha dalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*