16,500 arday oo ka socda Fasalka 4 iyo Fasalka 8 oo imtixaankooda ugu dambeeya u fariistay gudaha Puntland

Arday imtixaan ku galeysa Dugsi Sare Cumar Samatar, Gaalkacyo, July 4, 2020. Isha Sawirka: Puntland State House]

Garoowe-(Puntland Mirror) 16,500 arday ah oo ka socda Fasalka 4-aad ee dugsi sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsi dhexe ayaa maanta oo Sabti ah bilaabay in ay u fariistaan imtixaankooda ugu dambeeya gudaha Puntland.

5,447 ardayda kamid ah waa Fasalka 4-aad ee dugsi sare halka 11,053 arday ay yihiin Fasalka 8-aad ee dugsi dhexe.

Imtixaanka ayaa qorshuhu ahaa in la qaado daboyaaqadii bishii May, balse labo bilood ayaa dib loo dhigay sababo la xiriirta xanuunka coronavirus, sida ay sheegeen masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Ardayda saakay imtixaanka u fariistay ayaa raacayay tilaabooyin caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga coronavirus iyo la socodka heer kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale.

Gudaha Gaalkacyo, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa halkaas, ayaa imtixaanka ka furay Dugsiga Sare ee Cumar Samatar.

Imtixankan oo muddo ku dhow 20-sanno soo socday ayaa ah dhacdo sanadeedka ugu weyn waxbarashada Puntland, oo ah tan ugu tayada fiican Soomaaliya, sida lagu ogaaday qiimeyn ay sameeyeen haayado xilliyadii la soo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*