Wasaaradda Maaliyada Puntland oo sheegtay in qiyaastii $40 milyan oo dakhli ah ay lumisay 2020 coronavirus dartiis

Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Garoowe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa lumisay ilaa $40 milyan oo dakhli ah intii lagu guda jiray bilihii u horeysay ee sanadkan 2020 coronavirus dartiis, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyada.

Dakhliga ayaa la filayay in uu ka soo baxo ilo-dakhli oo kala duwan sida garoomada diyaaradaha kuwaasoo aan shaqeyn bilihii u dambeeyay, sida ay wasaaraddu sheegtay.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in ay xiriir la sameysay haayadaha lacagta adduunka sida Bankiga Adduunka si ay uga caawiyaan is-dhinka dakhliga miisaaniyada.

Miisaaniyada Puntland ee 2020 oo ay golaha wasiiraddu ansixiyeen bishii December 2019, ayaa lagu qiyaasay $346 milyan, taasoo saddex jibaar ka badan tii 2019 oo ahayd $72 milyan.

Ku dhawaad 60% miisaaniyada Puntland ayaa la sheegay in ay ku baxdo dhanka ammaanka sida mushahaarka ciidamada.

Ilaa toban qof ayaa xanuunka coronavirus ugu geeriyooday gudaha Puntland, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*