Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo sheegay in uu dalka ka ceyriyay madaxii haayada Care

Madaxa Care ee Soomaaliya Iimaan Cabdullaahi. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sheegay in dalka ka ceyriyay madaxii haayada caalamiga ah ee Care u qaabilsanaa Soomaaliya.

Waraaq ka soo baxay xafiiska Goodax Talaadadii ayaa lagu eedeeyay madaxa Care ee Soomaaliya Iimaan Cabdullaahi in uu ka dhago adaygay siyaasada iyo hanaanka dowladda, sidoo kale uu farogelin ku sameeyay siyaasadda. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu isku dhacyo aan muhiin ahayn ka dhex abuuray Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

Goodax si rasmi ah uma uusan sheegin farogelinta siyaasadeed ee uu sameeyay madaxa Care iyo sidoo kale sida uu khilaafka uu ka dhex abuuray Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*