Axadii, duqeyn ka dhacday deegaanka Dheerow Sanle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu dilay lix maleeshiyo Al-Shabaab ah, sida ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).
Isniintii, duqeymo kale oo ka dhacay deegaanka Baqdaad ayaa waxaa ku lagu dilay afar maleeshiyo oo Al-Shabaab ah, sida ay sheegeen AFRICOM.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaas aysan wax dhibbaato ah kasoo gaarin wax shacab ah.
Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Sanadkii lasoo dhaafay, ugu yaraan 47 duqeymood ayaa ka dhacay dalka kuyaala Geeska Afrika.