Ugu yaraan 15 qof oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qarax hore Muqdisho. [Isha Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho maanta oo Talaado ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa beegsaday xarun ciidan halkaas ay ku jireen askar dhawaan la qoray. Intooda badan dadka qaraxa ku geeriyooday ayaa ahaa ciidan.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro kan lamid ah horey u geysatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*